Somali News

Barlamaanka Hirshabeelle oo kala diray gudiga adeegga garsoorka

Jowhar-KNN-Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Jowhar Barlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay ku kala direen Golaha Garsoorka ee maamulkaasi.

Kulankan oo ahaa kii 9-aad ee Kalfadhigii afaraad ee Barlamaankaasi yeesho ayaa waxaa looga hadlay arimo dhoowr ah, waxaana awoodda lagu saaray arimaha Cadaaladda.

Kulankii maanta waxaa Barlamaanka Hirshabeelle hortagay Wasiirka Cadaaladda Maamulkaasi Mudane Cawaale Ciimoow Cabdi oo wax laga weydiiyay arimaha Garsoorka iyo Cadaaladda.

Weydiimihii Wasiirka kadib Barlamaanka ayaa isku raacay in la kala diro dhaamaan Xubnaha Garsoorka Maamulka Hirshabeelle.

Kala diridda Golahan ayaa timid ka gadaal markii uu Wasiirka Cadaaladda ku guuldareystay in uu keeno Hindise-Shacriyeed muujinaya habka loo marayo Magacaabista Garsoorayaasha Maxakamadaha Hirshabeelle.