Somali News

Hogaamiye ku xigeenka mucaaradka Venezuela oo xabsiga loo taxaabay.

Muqdisho-KNN-Laamaha amniga ee dalka Venezuela ayaa xabsiga u taxaabay ku xigeenkii hogaamiyaha mucaaradka dalka Venezuela Edgar Zambrango.

Edgar, ayaa ciidamada ka diiday in uu kasoo dago gaarigii uu saarnaa taas oo markii danbe sababtay in isaga iyo gaarigiisa loo jiido dhanka xabsiga.

Xarigan loo gaystay hogaamiyahan sare ee mucaaradka katirsan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan markii uu fashilmay iskudaygii xilka looga tuuri rabay madaxwayne Nicolas Maduro, todobaadkii hore.

Sidookale xariga hogaamiyahan ayaa kusoo beegmayaa maalin uun kadib markii Maxkamda sare ee dalka Venezuela amartay in lasoo xiro isaga iyo lix ruux oo kale oo katirsan mucaaradka.

Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaido, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka aad ugu cambaaray’yay xariga loo gaystay ku xigeenkiisa.

Mr Guaido, ayaa si iskiis ah iskugu magacaabay Madaxwayne kadib markii uu ku eedeeyay Nicolas Maduro in uu ku shubtay doorashadii dalkaasi ka dhacday dhawr bilood ka hor.