Somali News

Hoggaamiyaha Suudaan oo ka digay in dagaalka dalkaasi u gudbo wadamada deriska

Hoggaamiyaha Suudaan oo khudbad ka jeediyay Kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in dagaalka dalkiisa uu u gudbi karo dalalka deriska la ah ee Afrika.

General Abdel Fattah al-Burhan, wuxuu sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay u aqoonsadaan kuwa ka soo horjeeda, Ciidamada Taageerada degdega ah (RSF), oo ah koox argagixiso. 

Dhanka kale, hogaamiyaha RSF Hamdan Dagalo ayaa sheegay in uu u diyaar garoobay xabad joojin.

Tan iyo bishii April, Suudaan waxaa ka socday dagaallo sokeeye oo ay ku dhinteen kumannaan qof. 

Sannadkii 2021-kii, labadan Jeneraal waxa ay sameeyeen afgambi, balse bilihii u dambeeyay dagaal awoodeed oo u dhexeeyay ayaa sababay in ay dagaallamaan.