Somali News

Hooyo iyo carruurteedii oo caawa lagu dilay duleedka Warsheekh

Muqdisho-KNN-Inta la xaqiijiyey seddax qof ayaa lagu dilay laba kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray weerar caawa ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarkaas waxaa fuliyey koox hubeysan waxaana lagu dilay Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo 40-cesho aan gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa.

Sidoo kale kooxdaas ayaa dhaawacday Hooyo kale iyo wiil ay dhashay oo ku sugnaa guriga uu weerarkaasi ka dhacay oo ku yaalla meel duleedka ka ah degmada Warsheekh.

Weli ma jirto cid xaqiijin karta sababta ka dambeysay weerarkaas, balse waxa jirta in aanooyin qabiil ay ka jiraan deegaanada hoos taga degmada Warsheekh.