Somali News

Howlgal lagu soo qabtay sarkaal sare oo ka tirsan oo ka dhacay degmada Ceeldheer

Ciidamada difaaca deegaanka ayaa hawgal guulaystay ka fuliyey degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xoogaga hubaysan ee deegaanka oo haystay xog ay soo siiyeen bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa gacanta ku dhigay sarkaal si weyn looga yaqaanay deegaanka, kaas oo lagu magacaabo Cabaas Garoobshe.

Sidoo kale ciidanka deegaanka ayaa dilay nin kale oo lagu soo gaabshay Ilkacase, kaas oo in badan bulshada yaqaaneen.

Ciidanka hawlgalka sameeyey ayaa qabsatay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen Al-shabaab.