Somali News

Howlgal loogu magac daray Caa’isha maxay galabsantay oo ka bilowday Gaalkacyo.

Gaalkacyo-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee  gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo laga keenay gobolka Sool.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada gaalkacyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya maamulka  Puntland  uu amar ku bixiyay in ciidankan  la geeyo Gaalkacyo, islamarkaana halkaasi ay baaritaano ka sameeyaan

Howgalka ayaa waxaa loogu magac daray caa’isha maxay galabsatay, waxaa uuna ka bilaabanaya Magaalada Gaalkacyo.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay kordheen dilalka ka dhaca Magaalada Gaalkacyo iyo Kufsiga loo geysto Gabadha da’yarta, waxaana ciidamadan ay wax ka qaban doonaan falalka amni daro ee ka dhaca Barta  Magaaladaasi.

Dhawaan ayay ahey markii falal amni daro iyo kufsi ay ka dhaceen Magaalada Gaalkacyo ee dhanka ay taliso Puntland.