Somali News

Hubka lagu dhax-wato Garowe oo war laga soo saaray

Garoowe-KNN-Guddiga amniga maamulka Puntland oo  maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe  ayaa waxaa ay war ka soo saareen gaadiidka iyo hubka lagu dhex sito Magaaladaasi.

Waxaa ay digniin adag ay u direen  gaadiidka dowladda ee  taargo la’aanta ah iyo ciidamada magaalada hubka la dhex wareegaya.

Axmed Cabdulaahi Yuusuf   Wasiirka amniga Puntland, ayaa sheegay laga bilaabo caawo in uu bilaabandoono howlgal cusub oo lagula dagaalamayo gaadiidka aqoonsi la’aanta ah iyo askarta hubaysan, wuxuuna sheegay guddigu amnigu inuu la wareegidoono gaadiidka iyo hubka sharci darrada ah.

Wasiirka amnigu waxaa kale oo uu ka digay gaadiidka looga tago hotelada hortooda, taasoo loo adeegsan karo qataro amni.