Somali News

iiraan oo hub u direeysa Ruushka

Iran ayaa qorsheyneysa inay Ruushka siiso boqolaal diyaarado oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn si ay ugu geystaan dagaalka Ukraine. Diyaaradahan ayaa  waxa ay qaarkood leeyihiin awood dagaal, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa sheegay in xogta uu Maraykanku helay ay muujinayso in Iran ay isu diyaarinayso inay ciidamada Ruushka u tababarto adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxa uu intaa ku daray in aanay caddayn in Iran ay weli soo dhiibtay iyo in kale.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ahaa dagaalka socda ee Ukraine iyo Ruushka.

Toddobaadkii hore, Ukraine waxay codsatay deeq kumanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga caawiyaan dagaalka ay Ruushka kula jiraan.

Mr Sullivan waxa uu intaa ku daray in sirta uu Maraykanku helay ay u dhowdahay aragtida ah in weerarka Ruushku ku hayo bariga Ukraine uu kharashkiisa la mid yahay kharshka guud ee hubkiisa.

Waxa kale oo uu arkay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay hore fallaagada Xuutiyiinta Yemen ugu adeegsan jireen weerarrada Sucuudiga ay ku bartilmaameedanayeen.

Hadalkiisa ayaa yimid ka hor booqashada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku tagayo Israa’iil iyo Sacuudiga toddobaadkan.

Labada waddan midkoodna ilaa hadda kuma biirin cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka ee dagaalka uu ka wado Ukraine.