Somali News

Imaaraadka iyo Puntland oo iska kaashanaya ballaarinta Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Boosaaso-KNN-Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhowaaqay ballaadhin lagu samaynayo garoonka diyaaradaha ee magaalo xeebeedka Boosaaso.

Ku dhowaaqista dhisamaha garoonkaas ayaa kusoo beegantay iyadoo Boosaaso uu booqanayo wafdi ka socda dawladda Imaaraadka Carabta oo mamaulku sheegeen inay gacan ka gaysanayso ballaadhinta garoonkaasi.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in garoonka lagu soo biirin doono terminal cusub oo suurta gelin doona inuu noqdo garoon ka mid ah kuwa ugu weyn Bariga Afrika.

Lama shaacin goorta la billaabayo mashruuca ballaarinta iyo qiimaha ku baxaya intaba, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa dhawaan safar uu uga baxay Garowe waxa uu ku tagay magaalada Boosaaso.