Somali News

Imaaraatka Carabta oo dalkeeda ka mamnuucday wadamo ay ku jirto Soomaaliya

Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa dalkeeda ka mamnuuccday inay tagaan dadka kasoo jeeda 13 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Qoraal kasoo baxay dawlada Imaaraatka 18 bishaan oo ay heshay wakaaladda Wararka Reuters ayaa lagu sheegay in dawladu ay siinta dalka ku galka ka joojisay dadka kasoo jeeda ama wata baasaboorada 13 wadan oo dalalka Muslimiinta u badan

Liiska dalalkaas waxaa ku jira Soomaaliya oo dadka wata baasaboorka Soomaaliya looma ogolaan doono inay helaan dal ku galka Imaaraatka Carabta.

Sidoo kale liiska dalalka laga joojiyay inay dalka Imaaraatka tagaan waxaa ku jira Turkiga, Ciraaq, Libya, Yemen,Kenya Lubnan Pakistan iyo dalal kale.

Lama oga sababta hase ahaatee dadka falanqeeya arrimaha gobolka bariga dhexe ayaa sababta ugu weyn ku sheegay inay jirto cabsi dhanka amaanka ah maadaama dawlada Imaaraatka Carabtu ay dhawaan xiriir diblomaasiyadeed la yeelatay Yahuuda.