Somali News

In ka badan 100 askari oo tabobar loogu soo xiray Degmada wisil

In ka badan 100 askari oo ka mida ciidamada Degaanka isla markaana qeyb ka noqonaya difaaca iyo Xoreynta degaanada Koofurta Gobolka Mudug ayaa Tababar loogu soo xiray degmada Wisil ee Koonfurta Mudug, waxaana tababarka ciidamadaan iska kaashaday Taliska Daraawiishta Galmudug iyo CXD qeybtooda Kumaadooska Danab ee degaanada Galmudug.

Tababarkaaan oo socday wax kabadan bil ayaa ciidamada Lagu barayay Taatikada Dagaalka, Shiishka, qaadista weerarada qorshaysan, Difaaca, la socoshada Dhagaraha Cadowga iyo xeeladaha ay isticmaala kooaha ka soo horjeeda Daganaanshaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa dhoolo tus kusameeyey Tababarkii iyo Casharadii ay qaadanayeen mudada kuwaas oo ay riyaaqeen saraakiishii ka qeybgashay.

G/sare Geedi Qalabxoor oo ka mid ahaa Saraakiisha bixinaysay Tababarkaan ayaa sheegey in ujeedka ciidamadaan loo Tababaray ay tahay la dagaalanka kooxaha Argagixisada Al-shabaab.

G/dhexe Axmed Maxamed Xaashi oo ka mida Saraakiisha CXD, gaar ahaan kuwa ka howlgala degaanada Galmudug ayaa la dardaarmay Ciidamada Tababarku u dhamaaday.