Somali News

In kabdan Toban kun oo laga soo badbaadiyay dhulgariirkii Indonesia

Toban kun  oo ruux ayaa laga soo samata bixiyay jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia, ka dib dhul-gariir xoogan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.9 Magnitude markii uu ku dhuftay Axaddii shalay aheyd, waxaana dhintay dad ku dhaw 100 ruux.

Dhulgariirkan ayaa saameeyay jasiiradaha Lombok, Gili, Bali iyo Samatra ee dalka Indonesia kuwaas oo ah goobo dalxiiska caan ku ah, waxayna saraakiishu tilmaameen in Woqooyiga Lombok 80% uu burbur gaaray halka korontada iyo isgaarsiintuna aay go’een.

Madaxweeyne Joko Widodo ayaa booriyay in la kordhiyo duulimaadyada loo dirayo goobaha ay saameyntu taabatay.

Dhimashadu waxa ay ku sinantahay 98 qof  laakin koror ayaasa la saadaalinayaa, waxaana ku dhaawacmay dhulgariirkan 238 kale.

Dhulgariirada soo laalaabta ee indonesia waxaa loo aaneeyaa maadaama aay ku taal “gacanka dabka” oo ah qad buuqsan oo ay hareeyeen foolkaanooyin kuwaas oo ku gadaaman badda Pacific. Hadda waxaa gacankaas ka ololaya kalabar Foolkaanooyinka dunida.