Somali News

Iran oo ka digtay sii socashada dagaalka Armeeniya iyo Azerbijaan

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan Xasan Ruuxaani ayaa waxaa uu ka digayaa sii socashada colaada u dhexeysa dalalka deriska ah ee Armeeniya iyo Azerbijan.

Xasan Ruuxaani ayaa shaca ka qaaday in haddii madaxda gobolka aanay qaadin tallaabo lagu joojinayo colaada labada dowladood ku dhex mareysa gobalka Nagorno-Karabakh.

Waxa uu sheegay in saameynta cawaaqibka ka dhasha dagaalkaasi uusan ku ekaan doonin oo kaliya dalalka Armeeniya iyo Azerbijaan ee uu dhexeeyo, balse gacan ka hadalku uu gaari doono dalal hor leh.

“Waa in loo laabtaa nabadda, waana waxa kaliya ee dagaalkaasi lagu soo afjari karo, waxaana rajeyneyaa in taasi ay dhici doonto”  ayuu yiri Xasan Ruuxaani.