Somali News

Ismaamulka Tigreega ee Itoobiya oo ku hanjbay in DF aysan ka amar qaadan doonin

Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, laga bilaabo maanta oo ay ku ekeyd xilliga dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada.

Hanjabaaddaas ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas.

Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto.

Madaxweynaha Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta khudbad u jeediso baarlamaanka.

Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.