Somali News

Itoobiya oo beenisay in dad rayid ah lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay wararka sheegaya in tobonaan kun oo qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaallada ka dhacay gobolka Tigray.

Shaley ayay aheyd markii saddex xisbi oo mucaarad ah oo ka dhisan Tigray waxay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo Eritrea in tacaddiyo baahsan ay ka geysteen gobolka isla markaana ay dileen 52,000 qof.

Dowladda Itoobiya waxay warbixinta ku tilmaantay mid aan wax caddeyn ah loo heyn oo la siyaasadeeyay.

Waxay dowladda sidoo kale sheegtay inay ka xun tahay khasaare kasta oo soo gaaray shacabka balse uusan dagaalka ka dhalan khasaare ballaaran taasina ay ugu wacan tahay howlkarnimada ay muujiyeen militarigeeda.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in gobolka Tigray ay ka jirto xaalad aad u liidata oo haysata dadka ku nool halkaas.

Xigasho:-BBC