Somali News

Itoobiya oo war ka soo saartay weerar lagu qaaday ciidamada ku sugan Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa ayaa sheegtay in ay gabi ahaanba fashiliyeen isku day weerar oo Axadii ay soo qaadeen 450 xubnoodoo ka tirsan al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay wadada uga tageen Saddex Gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kuwaasi oo ciidamadooda ay burburiyeen. Ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray Itoobiya sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, qoraalka ayay ciidanka Itoobiya ayaa beeniyay warka Al-shabaab ku sheegeen in dagaalkaasi ku dileen 167 askari.

Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay Soomaaliya ku taageerayaan cirib tirka kooxdaan xiriirka la leh Al-Qaacida.