Somali News

Jigjiga:-Qalalaasaha oo wali sii kordhaya

Jigjiga-KNN-Xaaladda Magaalada Jigjiga oo Maalmahan kacsaneed ayaa maantana waxaa laga soo sheegayaa in halkaa ay ka socdaan falal amniga Magaalada liddi ku ah.

Wararka aan heleeyno ayaa sheegaya in saaka la dilay 5 ruux oo Soomaali ah, dadkaana waxaa dilay dadyoow kale oo Itoobiyaan ah.

Itoobiyaanka waxyeeleeyay Soomaalida ayaa waxaa la sheegay In ay ahaayeen dadkii dhawaan ay waxyeeladu kasoo gaartay rabshadihii ka dhacay Jigjiga.

Shaqaaqadaa markii ay dhacday kadib waxaa soo faragaliyay Xaaladda Ciidamada lagu Magacaabo Liyuu Boolis, oo kala dhexgalay dadkii is dilayay.

Qof jooga Itoobiya oo Raadiye Kulmiye uwaramay ayaa sheegay in maanta xaalka Jigjiga uu umuuqdo mid go’odoon ah, walina waxaa hawada ka maqan Internet-ka.