Somali News

Jubbaland oo qaadacday sharciga doorashooyinka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya

Kismaayo-KNN-War-Saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa waxaa looga sharciga doorashooyinka oo shalay ay meelmariyeen Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Jubbaland ayaa sheegtay in sharcigaasi aan lagala tashan anisixintiisa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya,isla markaana uu yahay mid waddo sharci darro ah loo maray.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in marnaba uusan aqbaleynin go’aan kasta oo la gaaro oo kasoo horjeeda Dastuurka dalka.

Halkan ka Akhriso Warqada