Somali News

Jubbaland oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

Jubbaland ayaa sheegtay in ay nasiib daro tilmaamtay in dowladda Soomaaliya ay qaaday talaabooyin guracan, taasi oo ay ku sheegtay in ciidankii dowladda loo isticmaalay si ka baxsan sharciga.

Qoraalka Jubbaland ka soo baxay ayaa sidan u qornaa:-

Dowlada Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo.