Somali News

Kenya oo dib u fureysa safaaraddeeda Muqdisho

Dowladda Kenya ayaa maanta sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu furi doonto safaaraddeedkii magaalada Muqdisho kadib soo jeedin ka timid dowladda federaalka Soomalaiya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale lagu casuumay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu kusoo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo howlihiisa.

Qoraalka Kenya ayaa jawaab u ahaa qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, 11-kii June, oo Kenya looga codsaday inay dib u furto safaaraddeeda Muqdisho, si xiriirka labada dal uu caadi ugu soo noqdo.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ku war-gelineysaa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya inay soo dhoweeneyso casuumadda dowladda federaalka ee ah inay dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka.