Somali News

Kenya oo la filayo inay soo saarto qaabka loo marayo xerista xeryaha Qaxootiga

Iyadoo muddo bil ku dhow ay ka harsan tahay waqtiga ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Kaakuma iyo Dhabaab ee ku yaalla bariga Afrika ayaa hay’adaha dowladda waxay ka aamuseen sida ay u dhici karto xiritaanka xeryahaas.

Labada xero qaxooti ee waaweyn ee ku yaala waqooyiga Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan 430,000 oo qof oo ka soo kala jeeda 15 jinsiyadood, kuwaas oo badankoodu ka soo kala jeedaan Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Waxaa ka mid ah bayaannada kale ee la soo saaray sannadihii la soo dhaafay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya iyo Isku-dubbaridka Xukuumadda Qaranka Abriil 29, 2021, waxay ku shaacisay barteeda twitter-ka qorshaheeda ku aaddan xiritaanka xeryaha: “Kenya waxay si rasmi ah ula xiriirtay Hay’adda UNHCR oo ay kuwargelisay go’aanka ay ku xireyso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma. marka la gaaro 30ka Juunyo 2022.

Howlaha horudhaca ah ee qorshaha Xukumada Kenya waxaa ka mid ah dib u celinta qaxootiga wadamada ay ka yimaadeen & is dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee qaarkood iyada oo loo marayo Ogolaansho Shaqo/Deganaansho dalkaasi Kenya.”

Ilo waredyo ku dhow Dowlada Kenya ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay suurta gal noqon doonto in Dowladda Kenya ay soo saarto nidaamka xirista xeryahaasi.

Warbixin ay Aljazeera soo saartay isla maalintaas ayaa laga soo xigtay Fred Matiang’I, oo ah wasirka wasaaradda arrimaha gudaha Kenya in dowladda ay go’aansatay in ay sii waddo go’aankeedii hore ee ahaa in ay xirto xeryaha.

“Waxaa dhab naga ah inaan dhameystirno barnaamijka dib u celinta ee aan bilownay 2016, iyadoo si buuxda loo eegayo waajibaadka caalamiga ah iyo mas’uuliyaddayada gudaha,” ayuu yiri.

“Sidaa darteed waxaan ku celineynaa mowqifkeni hore ee ahaa in la xiro labada xero ee Dhadhaab iyo Kakuma marka la gaaro 30ka Juun, 2022.”

Horay dowladda Kenya ayaa u qabatay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga muddo 14 maalmood ah in ay la timaado qorshe dib loogu celinayo Qaxootiga Dhabaab iyo Kaakuma.

Hay’adda Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee adduunka waxayna ku taliyeen in laga hortago go’aan deg-deg ah oo saameyn ku yeelan kara nolosha dadka aan waxba galabsan oo abuuri kara dhibaato bini’aadantinimo.