Somali News

Kenya oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya

Nairobi-KNN-Dowladda Kenya ayaa muujisay walaaca ay ka qabto qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo in ciidamada Mareykanka looga saaro Soomaaliya.


Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, Kamau Macharia oo markii ugu horreysay ka hadlay arrintan ayaa sheegay, in haddii uu Mareykanka ka dhabeeyo tallaabadaasi ay halis weyn ku tahay abaabulka dagaallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.


Xoghayaha ayaa sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha Mareykanka ay kaalin weyn ku leeyihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo weerarro ka geysta gudaha dalka Kenya.


Xoghayaha ayaa intaas ku daray in Kenya ay dhibaato badan kala kulantay weerarrada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalkaas, isagoo tilmaamay in cabsida ay abuureen weeraradaas ay dhaqaalaha hoos u dhac ku keentay.


Ugu dambeyntii Xoghaya arrimaha dibadda Kenya ayaa dalalka Geeska Afrika iyo la howlgalayaashoodaba ugu baaqay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.


Walaaca Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan madaxweyne Trump uu la-taliyeyaashiisa gaarka ah u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya.


Baalanqaadyadii madaxweyne Trump ee ololihiisa doorashada sanadkii 2016kii ayaa waxaa ka mid ahaa in ciidamada Mareykanka uu ka soo saarayo dalalka dibadda ah.


Dhawaan ayuu Mareykanku ciidamadiisii kala baxay dalalka Siiriya, Afgaanistan iyo Jarmalka.


Qiyaastii 700 oo askari ayaa dowladda Mareykanka ka joogta Soomaaliya, kuwaas oo tababarrada iyo howlgallada gaarka ah ka caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana badankood dalka la keenay intii uu talada hayey madaxweyne Donald Trump.