Somali News

Khasaare badan oo ka dhashay dagaal dhex-maray Soomaalida iyo Booranta Kenya

Gaarisa-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka NFD ee Soomaalida Kenya waxay sheegayaan in dagaal culus uu dhex-maray Soomaalida iyo qowmiyadda Booranta Kenya.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ugu yaraan todobo qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen dagaalkaas, kuwaas oo u badnaa Soomaalida.

Dadka dagaalamay ayaa ahaa xoolo dhaqato u kala dhashay qowmiyadaha Soomaalida iyo Booranta Kenya. waxayna sheegeen mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ee Kenya inay xaaladdu ka xuntahay sida loo malaynayo.

Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Kenya inay soo kala dhexgasho labada qowmiyadood ee dagaalamaya, iyagoo balan qaaday in inta karaankood ah ay dadaal ku bixinayaan sidii loo demin lahaa colaadda Soomaalida iyo Booranta.