Somali News

Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay magaalada Diinsoor

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal laba maleeshiyo u dhaxeeyay oo maanta ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil, isla markaasna weli xiisadda ay kacsantahay.

Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa dagaalka ku geeriyooday shan ruux oo labada dhinac oo dagaalamay ah.

Ma jiro ilaa hadda dadaalo lagu xallinayo xiisadda u dhaxeysa labada beel oo u dhaxeysa.

Mana jiro ilaa hadda war ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalada ku soo noqday noqday magaalada Diinsoor.