Somali News

Khasaare ka dhashay weerarkii Xabsiga Dhexe oo lasoo afjaray iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho-KNN-Wararkii ugu dambeeyey ee warar galabta abaaro 5:30pm galabnimo ka dhex bilaawday Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa  sheegaya in haatan xaalku uu si caadi ah ku soo laabtay, kadib markii la toogtay qaar ka mid ah xubnihii weerarka fuliyey, halka kuwo kalena ay ciidamada ammaanku dhaawaxyo ku qabteen.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in la toogtay afar ka mid ah kooxdii weerarka fulisay, halka laba kalena dhawac lagu qabtay, waxayna maxaabiista weerarkan fulisay ku xirnaayeen qeybta xabsi daa’inka ee xabsiga dhexe.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu baxsaday nin ka mid ah ragii ka dagaalamayey gudaha xabsiga, kaas oo qof shacab ah banaanka ku sii dilay, isla markaana ku baxsaday mooto uu si xoog ah ku kaxeystay.

Weerarkaas ayaa bilaawday kadib markii qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay Xabsiga Dhexe ee Xamar, gaar ahaan kuwa loo xukumay kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo falal ammaanka lidi ku ah, ay u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan hub, kadibna ay gudaha xabsiga ka bilaabaan weerar toos ah.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta keentay in qaar ka mid ah maxaabiista Xabsiga Dhexe ay hub gacanta ku dhigaan kadibna ku dagaalamaan iyo sidoo kale inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hasa yeeshee inta cawanimo ayaa la filayaa inay ka warbixiyaan wixii dhacay.