Somali News

Khayre oo daahfuray shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergooyin  matalaya dhammaan reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodka dhismaha Galmdug oo loo dhan yahay,isagoo u rajeeyay in uu shirka ugu soo dhammaado guul.

 “Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug, Si loo heshiisiiyo  oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo,Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay madasha shirka .

Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga wadatashan doonaan, dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay oo cadaalad ku dhacda isla mar ahaantaasna horseed u noqota horumarka Galmudug