Somali News

Khayre oo dhagax dhigay Jaamacadda Ummadda Faraceeda Caabudwaaq

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Khayre raysal wasaaraaha dalka  oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan Labada gole ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal cusub oo ay yeelanayso Jaamacadda Ummadda farceeda Caabuudwaaq.

Dhismahan uu raysal wasaare Khayre  Dhagax dhigay ayaa ka kooban Saddex dabaq, oo lahaan doona  36 Fasal,Hool weyn oo  shirarka lagu qabto, iyo maktabad casri ah

Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay in ay Gacan ka geystaan dhismaha Jaamacadda gaar ahaan reer Caabudwaaq, si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu balan qaaday Xasan Cali Khayre raysal wasaaraha dalka in Dawladdu ay diyaar u tahay in ay gacan wayn ka gaysan doonto dhismaha Faraca Jaamacadda ay ku yeelan doonto magaalada Caabudwaaq iyo sidoo kale dhammaan horumarinta waxbarashada dalka.