Somali News

Khilaaf ka dhex taagnaa AMISOM iyo maamulka Buulo-burde oo xal laga gaarey

Guddoomiyaha degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, Faysal Haajir Maxamed ayaa maanta lagu wareejiyay Garoonka diyaaradaha iyo xabsiga degmada Buulo burte.

Munaasabadda lagu wareejinayay goobahan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad-gobolleedka Hirshabeelle iyo Saraakiisha Ciimada Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM ayaa muddo dheer gacanta ku hayay maamulka Garoonka degmada, xabsiga iyo maaliyada degmadaasi.

Waxaana maalmahan jiray khilaaf maamul oo u dhaxeeyay maamulka degmada Buuloburde iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM gaar ahaan Jabuuti kadib muran ka dhashay lacago laga qaado garoonka diyaaradaha degmadaasi.