Somali News

Koox ka tirsan ururka Daacish oo dad badan ku laysay dalka Muzanbiig

Maputo-KNN-Koox hubeysan oo la aaminsanyahay inay ka tirsantahay ururka Daacish ayaa tobanaan qof ku gawracday magaalooyin ku yaalla waqooyiga dalka Muzanbiig oo dhaca koonfurta qaaradda Afrika.

War booliska  dalka Muzanbiig laga soo xigtay ayaa lagu sheegay in kooxda hubeysan oo loo malaynayo inay Daacish ka tirsanyihiin ay weerareen tuulooyin ka tirsan gobolka Kaabo Delgado, halkaas oo ay ku ku gawraceen 50-qof, waxayna qafaasheen dad kale oo dumar iyo caruur u badan.

Warkaan waxaa lagu sheegay in kooxdaas ay sidoo kale gubeen guriyihii tuulooyinkii ay weerareen.

Wararku waxay sheegayaan in dhacdadaan oo sadex cisho ka hor dhacday ciidamadu ay shalay uun ogaadeen, waxayna goobta ugu tageen meydadka dad la bireeyay ama la gawracay, qaarna jirkooda la googooyay.

Dad ka badbaaday weerarkaas ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda hubeysan oo watay calanka tawxiidku ku qoranyahay ay u sheegeen inay yihiin ciidamada dawlada Islaamiga ah ee Daacish.

Dadka la dilay waxaa la iskugu geeyay garoon kubbadda lagu cayaaro oo ku yaala tuulada Muwaatite la yiraahdo.

Koox hubeysan oo ka dagaanlanta waqooyiga Muzanbiig gaar ahaan  gobolka weerarkaan ka dhacay ayaaa sanadkii 2017-kii sheegtay inay ku biirtay ururka Daacish.