Somali News

Koox hubaysan oo Nabadoon ku dishay Beledweeyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas koox hubeysan ay ku dishaay Nabadoon Cali dheere oo kamid ahaay waxgardka ugu miisaanka culus Magaaladaas.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in marxuumka xilliga la daliyay uu kusii jeeday Xafadiisa oo ku taala Xaafada Xaawo-taako ee magaalada Beledweeyne.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay isagga baxsadeen goobta, waxaana goobta gaaray  laamaha ammaanka iyagoo ka sameeyay baaritaano oo aan lagu soo qaban cidii ka dambeysay dilka Nabadoonka.

Ammaanka Magaalada Beledweyne ayaa faraha kasii baxayay Maalamahii ugu dambeeyay, waxaana ka dhacayay dilal qorsheeysan magaalada Mudooyinkii lasoo dhafaay.