Somali News

Kooxo hubeysan oo boosaaso ku dilay Taliye Barkhad Maxamed Jaamac.

Muqdisho-KNN-Taliyihii hore ee kantoroolka Bosaaso Barkhad Maxamed Jaamac oo loo yiqiin Guduudane ayaa saaka lagu dilay magaalada Bosaso  gaar ahaan waddo aad mashquul u ah oo shacab badan ay joogeen, taa oo gasha suuqa Bosaso, Waxaana baxsaday  kooxdii dilka gaysatay.

Guduudane, oo darajadiisu  ahayd kabtan ayaa ciidamada laga ruqseeyey sanand kahor markii ciidamada iyo saraakiisha Puntland lagu xareeyey kuliyadaha booliska ee Carmo Iyo Xorgoble , sida Daljir ay u xaqiijiyeen dad marxuumka lasoo shaqeeyey.

Sababta ruqsaynta ayaa ahayd siyaasadda Xukuumadda madaxwayne Deni oo ahayd askarigii ama sarkaalkii aan kuliyadahaasi gelin la ruqseeyo, isagoona diiday inuu kuliyadahaasi oo ciidamada iyo saraakiisha lagu xaraynayay sanad kahor uu galo.

Laba jeer oo hore ayuu marxuumka uu soo noqday taliyaha kantoroolka Bosaso.