Somali News

Kooxo hubeysan oo Dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo iyo Boosaaso

Boosaaso-KNN-Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Bari ayaa wararka aan ka heleyno waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay ka kala geysteen dil iyo dhaawac.

Ugu Koonfur magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug dhinaca ay maamusho Galmudug waxaa kooxo hubeysan ay caawa dhaawac ugu geysteen Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Mudug ee Galmudug oo lagu magacaabo Axmed Qoodeeye.

Ma jirto cid loo soo qabtay weerarka lagu dhaawacay masuulkaas ka tirsanaa maamulka Galmudug, iyadoo ay xusid mudantahay in Todobaadkii lasoo dhaafay bartamaha magaalada Gaalkacyo lagu dilay madixii Ciidamada isku dhafka gobolka Mudug.

Dhanka kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa galabta lagu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Ardaydii saakay u fariistay imtixaanka shahaadigaa ee fasalka 8-aad, kaasi oo saakay kabilaawday deegaanada maamulka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sulaymaan Maxamed Bootaan, waxaana toogtay koox Bistoolado ku hubeysan, kuwaas oo goobta iskaga baxsaday.

Dilka kadib baaritaano Ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen magaalada Baasaaso ayaa waaxaan ilaa hada jirin cid loo soo qabtay dilka wiilkaas Ardayga ahaa.