Somali News

Wakiiladii imtixaanka dowladda ee deegaanada Hirshabelle oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Jowhar-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Saraakiishii kormeerayaasha Imtixaanada ee ka socday wasaaradda Waxbarashada ku sugnaa deegaanada Hirshabelle la sheegay in ay isaga soo baxeen, kaddib markii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku amray inay isaga baxaan magaalada Jowhar.

Magaalooyinka,Baladweyne,Jowhar, Balcad iyo Buulo-Burde ayaa la sheegay in ay kormeerayaasha Imtixaanka ilaalinayay ay isaga soo baxeen,iyaga oo soo aaday dhinaca Magalada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabelle uu saraakiisha ka dalbaday in ay si deg deg ah isaga baxaan deegaanada hirshabelle.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan wasaarada waxbarashada ay joojisay imtixaankii dugsiyada sare ay qaadaysay dowladda dhexe, taasi oo keentay in ardayda ay banaanbax cabasho ah ay ka dhigaan magaalooyinka ay ka arimiyaan madaxda Maamul gobaleedyada iyo Muqdisho.

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in 27 bishan dib loo qaadi doono imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.