Somali News

Ku dhawaad 10 dagaalame iyo sarkaalkii hogaaminayey oo lagu dilay duleedka Awdheegle

Awdheegle-KNN-Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ay fuliyeen degaanno hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab iyo dagaalamayaal kale.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalka lagu dilay xubnahaas ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen goob ay ka war heleen inay isku ruruursanayeen Al-Shabaab.

Halka lagu dilay xubnahaas Shabaab ka tirsanaa ayaa 6-KM oo kaliya u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen in sarkaalkaas lala dilay sideed xubnood oo kale, kuwaas oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 66-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar Gaashaanle Axmed Maslax Xuseen ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadayaan.