Somali News

Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhimatay rabshado kadhacay dalka Indonesia.

Muqdisho-KNN-Duqa magaalada Jakarta ayaa xaqiijiyay in 6 ruux ay dhinteen halka 200 oo ruux oo kalana ay dhawaawacmeen kadib dibad bax rabshado watay oo halkaasi kadhacay.

Dibadbaxa oo looga soo horjeedo natiijada doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday ayaa Talaadadii ku bilawday qaab nabdoon balse markii danbe iskubaday mid gacan kahadal wata.

Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa dibadbayaasha u adeegsanayay gaaska dadka ka ilmeesiiya si ay ukala ceeriyaan. 

Booliska ayaa sidookale sheegay in rabshadahaasi loo xiray kudhawaad 70 ruux.

Gudiga doorashooyinka qaran ee dalka Indonesia ayaa shalay ku dhawaaqay in doorashadii dalkaasi ka dhacday uu 55.5% boqolkiiba uu markale ku guulaystay madaxwayne Widodo.

Balse hogaamiyaha mucaaradka Mr Prabowo ayaa natiijadaasi ka horyimid kuna tilmaamay mid lagu shubtay.