Somali News Sports

Kulamo katirsan tartanka Kubadda cagta D/G/banaadir oo laciyaaray.

Muqdisho-KNN-Labo kulan oo ka tirsan tartanka kubadda cagta dagmooyinka gobolkan banaadir ayaa galabta la ciyaaray.

Garoomada koonis iyo Jaamacadaha ayaa lagu kala ciyaaray labadaasi kulan iyadoo taageero badan ay kasoo qayb galeen kulamadaas.

Dagmooyinka yaaqshid iyo shangaani ayaa ku ciyaaray garoonka Jaamacadaha ee dagmada Hodan iyagoo ciyaaraya kulankooda ugu horeeya ee groupka xili ay kuwada jiraan Garoupka “A” kulankan ayaa kusoo gabagaboobay waqtigi loogu talagalay 2:2

Dhanka kale garoonka Banaadir ee dagmada C/Caziiz waxaa kuwada ciyaaray dagmooyinka Hodan iyo Warta Nabadda ciyaar aad u qurux badneed oo kusoo idlaatay 1:1 barbaro ah.

Tartanka dagmooyinka ayaa maalintii jimcaha ka furmay garoonka koonis iyadoo dagmada Waaberi ay guul kufuratay.