Somali News

Kulamo u bilaawday Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Muqdisho-KNN-Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo fanaaniinta Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Jabuuti katirsan.

Wafdigaan ayaa la geyay Madaxtooyada Soomaaliya waxayna kulamo la qaadanayaan madaxda Soomaaliya iyagoo kala hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo soo kabashada dalka.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku leh kulamo horu-dhac ah shirar ay maalmahaan ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho kuwaas oo looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya.