Somali News

Kulanka golaha shacabka oo maanta baaqday.

Kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta waxa uu ubaaqday gooram la,aan kaddib markii ay soo xaadireen 72 xildhibaan kaliya.

Gooramka golaha shacabka ayaa waxa uu ku furmayaa saddex dalool laba dalool tirada guud ee 275ta xildhibaan arrintaa oo ka dhigan in loo baahanyahay 139 xildhibaan si guntinka uu u furmo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku amray Xildhibaannada maqan in ay yimaadaan ka hor 12ka bishaan maalintaas oo loo ballansanyahay kulanka golaha shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay dhanka kale in 9 bishaan la qabanayo caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumadda soomaaliya ayaa ugu dambayn laga codsaday in ay soo gudbiyaan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkaan 2022 si loogu daro ajandeyaasha golaha