Somali News

Kulankii Golaha Shacabka oo maanta lagu Ansixiyay hishiisyo muhiim ah

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay heshiiskii Baydhabo oo Guddiga Kheyraadka ee Golaha maanta hor keeneen.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay heshiiska caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi weli Sheikh Ibraahim Muudeey oo kulanka shirguddoominayay ayaa sheegay in 140-Xildhibaan ay ogolaadeen heshiiskii Baydhabo oo Guddiga Kheyraadka halka 5-Xildhibaan ay ka aamuseen mana jirin Xildhibaano ka aamusay,sidaasina uu ansax ku yahay.

Sidoo kale,Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in heshiiska caalamiga ah ee Dadka Naafada ay ogolaadeen 144-Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka muusay mana jirin Xildhibaano diiday,sidaasina uu ansax ku yahay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa kulankoodii maanta loogu qeybiyey Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee dhowaan Golaha Wasiirada ansixiyeen, sidoo kale waxaa loo qeybiyey Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka.

Dhanka kale, Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uga mahad celisay ansixinta Heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda dadka Naafada ah.