Somali News

Kumaandooska Danab oo Sh/Dhexe ku dilay sarkaal iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Jowhar-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ay ka fuliyeen  gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay sarkaal sare iyo dagaalamayaal la socday oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida werisay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Howlagka ayaa lagu dilay Sheekh Maxamed Suleeymaan (Gacamey) oo ahaa madixii Maktabka Dacwada gobolka Shabeellada Dhexe ee Al-Shabaab iyo seddax dagaalame oo la socotay.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, isla markaana ay fuliyeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa ka dhacay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellada Dhexe.