Somali News

La taliyaha Amniga Madaxweyne Xasan Shiikh oo beeniyay warar laga faafiyay

Warar lis kula dhexmarayay saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshadda  oo la xiriiray in la taliyaha Amniga qaranka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu safar qarsoodi ah ku tagay dalka Jabuuti, ayaa waxaa war kasoo saaraya La taliyaha, isagoo beeniyay wararkaas  la taliyaha, waxaana uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana uusan ka safrin magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban usoo dhigay bartiiisa twitter-ka la taliyaha amniga Madaxweynaha Xuseen Macallin Maxamuud ayuu ku yiri “Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya” ayuu ku yiri Xuseen Sheekh qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Baraha bulshada oo ay soomaalidu ku xiriirto ayaa lis kula wadaagayay warar la xiriira in la taliyaha Amniga qaranka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu safar qarsoodi ah uu ku tagay dalka Jabuuti, iyadoo la sheegay inuu kulan hakkaas kula soo qaatay saraakiil sare oo ka tirsan jabhada TPLF ee ka dagaalanta gudaha dalka Itoobiya, balse wararkaas waxaa gabi ahaan beeniyay la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.