Somali News

Labad aqal ee baarlamaanka oo ka dooday wax ka badalka cutubka 4-aad ee Dastuurka

Guddoonka Baarlamaanka ayaa shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa dhammaystirka ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka Dalka.

Ka doodista cutubka afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad oo maanta la soo geba gebeeyay ayaa waxaa aragtidooda ka dhiibtay maalmaha ay dooddiisu socotay in ka badan boqol Mudane oo isugu jira Sanatarro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baaarlamaanka JFS, kuwaas oo soo bandhigay aragtiyadooda ku aaddan qoddobada laga doodayay, iyadoo lagu ballamay in laguda galo maalinta Talaadada ah doodda madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah.