Somali News

M/weynaha Soomaaliya oo maanta u safraya Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan  maanta Magaalada Nairobia ee dalka kenya, halkaas oo uu kulamo kula soo qaadan doono dhiggiisa dalkaas Uhuru Kenyatta iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku hayo in Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadlaan sidii dib loo soo nooleyn lahaa Xiriirkii qotada dheeraa ee ka dhaxeeyay, kaasi oo ku dhisnaa iskaashi iyo mid Amni.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulamo gaar gaar ah, kaas oo looga wada xaajoonayo xiriirka labada dal iyo sidii looga hormarin lahaa siduu xiligaan yahay.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kulankooda kusoo hadal qaadi doona arrinta Khaadka Miirowga iyo saameynta ay dowladda Kenya ku yeelatay, kadib markii dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay jartay heshiiskii ganacsi ee dhanka Khaadka.

Dhinacyada kadib markii ay wada qaataan kulamada gaar gaar ah, waxaa la filayaa inay kulamo kale ay la qaataan mas’uuliyiin ka tirsan Kenya, kaas oo ay kaga arrinsanayaan heshiiska Khaadka iyo sidii markale Soomaaliya loogu dhoofin lahaa.

Intaa kadib, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inay heshiis ay wada gaaran.

Mudada xilheynta Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xiligaan gabogabo ah, iyadoo dalkaas ay iminka ka socdaan ololaha dooorashada oo ay sameynayaaan musharrixiinta, balse Uhuru ayaa haatan  aad u daneenaya in markale Soomaaliya ay u soo dhoofiyaan Khaadka oo ay labada dhinac gaaraan hehiis is af garad ah, si uu ugu dhigto qeyb ololihiisa doorashada ee wax qabad.

9-ka bisha August ee sanadkan 2022-ka, ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Kenya, balse lama oga in Soomaaliya ay xiligaan heshiis la gali doonto, maadama uu dalkaas ku jiiro xili kala guur.