Somali News

M/weyne Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, iaydoo si weyn logu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Xasan Shiikh iyo wafdiga la socday ayaa ka baxay Magaalada Baydhabo kuwaa oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ku sugnaa halkaas,waxaana garoonka shaati gaduud kasoo ambabixiyay Cabdicasiis Laftagareen hoggaamiyaha Koofur Galbeed iyo masuuliyiin ka ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Magaalada Dhuusamareeb tagay waxaa ku soodhaweyey hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor,  xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadweyne kale.

Wafdi hordhac u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana horkacayay madaxweyne ku-xigeenak Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Soodhaweynta Madaxweynha ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga dareemayay caasimada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana sawiro ku xardhan boorarkiisa Madaxweynaha Soomaaliya lagu dhajiyey wadooyinka magaalada iyo gawaarida.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, xili Ciidamo badan magaalada lagu soo daadiyey, kuwaas oo wado baaritaano ay amniga ku xaqiijinayaan, iyagoo gaaf wareegaya xaafadaha iyo waddooyinka soo gala Magaaladaas.

Inta uu ku sugan yahay halkaas Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh waxaa uu kulamo la qaadan doona madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo u guur gali doona  xaaladda bini’aadanimo ee deegaanka ka jira.

Dhuusamareeb ayaa ah magaaladii labaad ee uu tago Madaxweyne Xasan Shiik Maxamuud tan iyo dib u doorashadiisii, isagoo safarkiisii ugu horreeyay uu talaadadii ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.