Faalooyin Somali News

Ma Dumay maamulkii Galmudug?

Muqdisho-KNN-Maamulka Galmudug waxaa la dhisay horraantii 2015 kii kadib hanaan dhowr bilood qaatay oo ay hormuud ka ahayd Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya, ugu dambeyn 4-July 2015 ayaa magaaladda Cadaalo waxaa lagu doortay Madaxweynihii u horreeyay oo ahaa Cabdi kariin xuseen Guuleed.

Dhismaha maamulku wuxuu ahaa rijo usoo muuqatay Dadka galmudug, hase ahaatee Waqtiga ugu badan maamulka waxaa uu uga lumay khilaaf iyo ishaysi Heey’ada maamulka u dhexeeya.

February 2017 kii Madaxweynihii Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu iska casilay xilka ugu sarreeya maamulka sababo caafimaad awgood, hase ahaatee waxaa jiray xildhibaano sheegay in ay Cabdi karriin xilka ka qaadeen Iscasilaaddiisa ka hor.

Billowgi March 2017kii ayaa Axmed Ducaale geelle Xaaf waxaa loo doortay Madaxweynaha Galmudug, kadib Doorasho ka dhacday Magaaladda Cadaado oo ahayd xarunta ku meelgaarka ah ee maamulka.

Kadib muddo badan oo maamulka Galmudug uusan tagin Caasimada Dhuusamareeb, Madaxweyne Xaaf ayaa dadaal ugalay in uu wada hadal la furo maamulkii Ahlu-Sunna, ugu dambeeyntiina waxaa lagu Heshiiyay in la mideeyo Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Midowgooda ayaa keenay khilaaf hor leh oo maamulku uu luga lagalay, qaar kamid ah xildhibaanadda maamulka ayaa sheegay in Heshiisku uu yahay sharci darro, sababtana waxay ku sheegeen in la dhaqan galiyay Heshiiska oo aan Barlamaanka la horgeeyn.

Madaxii Ahlu-sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa noqday madaxa xukuumadda Galmudug, sida uu dhigayo heshiiskii midowga, maamulka ayaa sidoo kale waxaa loo soo raray caasimadiisa dhuusamareeb.

Intaas kadib, maamulka Galmudug waxaa uu lugaha lagalay khilaaf hor leh, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqy in Heshiiska maamulku uu kula midoobay Ahlu-sunna uu yahay sharci darro, waxayna qaadaceen iskudarkii xildhibaanadda.

13kii September ayaa xildhibaano ku shiray Magaaladda Dhuusamareeb waxay shegeen in ay xilka ka qadeen Gudoomiyiha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,

Macluumaadka xilka qaadistii Casir ka aqriso lifaaqan

Labo maalin kadib, 15 kii September Xildhibaano ku shiray  magaaladda Cadaado ayaa sheegay in xilkii ay ka qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Halkaan ka aqriso Xilka qaadista Xaaf

17kii September, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo hogaaminaayay Xildhibaanadda Dhuusamareeb fadhiya ayaa waxaa xilkii ka qaaday Xildhibaaanno ku shiray Cadaado

18kii September Xildhibaano ayaa magaaladda Dhuusamareeb waxaa ay uga dhawaaqeen in ay xilkii ka qadeen Madaxweeyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabeey.

Halkaan ka aqriso

Maanta, maamulka Galmudug waxaa uu dhextaaganyahay Jasiirad ay ku hareereeysanyihiin mowjado xilka qaadis iyo Mowshino ah.

Markii la eego xilka qaadista iska soo horjeedaa ee madaxda maamulka ayaa Dadka Siyaasadda ka faalooda waxay sheegayaan in ay la micno tahay in maamulku uu Dumay.

Bishii September ayaa Dadka Galmudug waxay u hayd Bil hadimmo oo dhagahoodu ay ka daaleen murranka u dhexeeya madaxda maamulkooda.

Dowladda Faderalka oo isku dayda xal u raadinta khilaafka ayaa Dadaalkeedii uu ugu Dambeeyntii dhicisoobay.

Waxaa soo baxeeysaa Su’aal ku socota aayaha maamulka oo ah, ciddee looga fadhiyaa xalinta khilaafka Galmudug la degay?

Jawaabtu waa adiga!

W/Q: Maxamed Axmed, Email: maxyare111@gmail.com