Somali News

Ma laga yaabaa inuu dhaco shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo?.

Madaxweynaha Hirshaballe Cali Guudlaawe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeybgala kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ee looga hadlaya heshiiska doorashada.

Shirka ayaa lagu waday in la soo gabgabeeya maanta oo Jimce ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay gaaray Muqdisho balse dhiggiisa Puntland, Jubalabd iyo Galmudug ayaan wali u safrin Muqdisho. Ma cadda goorta ayaa halkaa gaari doonaan.

Madaxweynaha ayaa madaxda maamul gobleedyada ku casumay Muqdisho si loo dhameystiro heshiiskii doorashada.

Dhowr arrimood oo uu muran ka taagnaa ayaa guddi farsamo oo dhinacyada matala ay heshiis ka gaaraan isbuucan markii ay ku kulmeen Baydhabo.

Qaar ka mid ah madaxda mucaaradka ayaa maaamul goboleedyada ugu baaqay inay iska diidaan ka qeybgalka kulanka Muqdisho ka dib rasbhadihii ka dhacay caasimadda 24 saac ee la soo dhaafay.

Ma cadda inuu shirkaasi qabsoomi doono iyo xilliga uu dhici doono toona, balse Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday maanta in dhinacyada ay si deg deg ah u kulmaan.