Somali News

Maamulka Bacaadweyne oo sheegay in Al-Shabaab ay go’doomiyeen deegaankaasi

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo buuxdhaafiyay duleedka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, iyagoo fariisin ka sameestay waddooyinka soo gala deegaankaasi.

Dadka deegaanka Bacaadweyne ayaa walaac ka muujiyay arrinkaasi, iyagoona madaxda maamulka Galmudug ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dagaalada iyo weerarada ay ku hayaan Al-Shabaab.

Maamulka degaanka Baacadweyne ee Gobalka Mudug ayaa sheegay in Al-shabaab ay go’doomiyeen degaankaasi, waxaana ay sheegeen in markasta ay soo weerari karaan deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku soo qaaday deegaanka Bacaadweyne, waxaana iska difaacay dadka deegaanka oo taageero ka helaya ciidamada xoogga gaar ahaan qeybta 21-aad.