Somali News

Maamulka Degmada Guricceel oo Musuq lagu eedeeyay

Guriceel-KNN-Eedeyn wax Isbadamarin salka ku heeysa ayaa loo soo jeediyay Maamulka magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Qaar kamid ah dhalinyarada Wax baratay ee ku nool degmada Guriceel ayaa waxa ay ku eedeeyeen maamulka Magaalada in Musuq xad dhaaf ah uu galay, waxa ayna Sheegeen in mashaariic loogu talagalay degmada  siyaabo aan haboonayn uu maamulku u isticmaalay.

Gudoomiyaha Guriceel Cadbullahi Beentaay oo la hadlay KNN ayaa gashaanka udaruuray eedeeynta loo soo jeediyay, waxa uuna ku tilmaamay dadka isaga dhaliiyay in ay yihiin Kooxaha nabad diidka ah.

Maamulka Guriceel ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa loo soo jeedinayay eedeymo lixaad leh, iyada oo xabsiga la dhigo cidkasta oo fikir ahaan Maamulka ka hortimaadda.