Somali News

Maamulka G/Banaadir oo ka shiray amniga Muqdisho

Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere ayaa maanta shir Guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Caasimadda, Siyaasadda, Doorashooyinka iyo u diyaargarowga natiijadda Shirka Dhuusamareeb ka socda ee uu ka qeybgelayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka lagu kala war-qaatay, isla markaana la isla xisaabtamay.

Shirkaan ayaana ku soo aadaya xili dhacdooyinka amni darro ay gobolka ku soo kordheen.

Waxaana ugu dambeysay Qarixii uu weerarku xigay, ee lagu qaaday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho. Weerarkaasi l oo ay ku geeriyoodeen 15 ruux oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin oo kamid yahay Janaraal Maxamed Nuur Gallaal oo muddo dheer ka tirsanaa ciidamada xoogga Dalka.

Weeraradaasi waxaa mas’uuliyadooda wada sheegtay kooxda Al-Shabaab.