Somali News

Macawiisleyda deegaanka Beerxaano oo sheegay iney gubeen Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen AS

iyadoo uu shalay dagaal xogan ka dhacay deegaanka Beerxaano ee Gobolka Hiiraan kaasoo u dhaxeeyay Ciidamadda deegaanka iyo kooxda Al shabaab ayaa waxaa dagaalkaasi ka warbixiyay mid kamid ah saraakiisha macawiisleyda oo la hadlay KNN ayaa waxa uu sheegay iney dagaalkaasi ku dileen xubna katirsan Al shabaab islamarkaana ay ku gubeen gawaari.

Sarkaalkan u hadlay macawisleyda deegaanka Beerxaano ee Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kole sheegyay iney gacanta ku dhigeen deegaanadii lagu dagaalamey islamarkana ay ka saareen kooxda Al shabaab.

Degaanka Beerxaano ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal u dhaxeeya Al shabaab iyo Ciiidamadda Dowlada oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.